“Dhaqaalaha ku baxaya ciyaarahan waxaa bixisay wasaaradda Maaliyadda”…

0
521

Hargeisa (HP): Wasiirka wasaaradda ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxqmed, ayaa maanta garroonka Hargeisa Stadium ka furay tartanka kooxaha horyaalka caasimadda.
Ciyaartii maanta ayaana dhex martay kooxaha dawladda hoose ee Hargaysa iyo kooxda wasaaradda Gaashaandhiga.
Tartankan ciyaaraha Kubbadda cagta ee kooxaha horyaaladda gobolada dalka ayaa socday muddo sanad ku dhaw.


Kuwaasoo ka qabsoomay magaalooyinka Laascaanood, Cewrigaabo, Burco, iyo Hargaysa, gobolka Awdal-na dhawaan laga bilaabi doonno.
Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland oo hadal ka jeedinayay furitaanka ciyaartii maanta.
Wasiir Boos, ayaa intaas raaciyay in sidoo kale ciyaaraha Kubbadda Kollayguna ay socdaan, halka Orodadiina waa laga soo wada qabtay goboladda dalka.


Furitaanka ciyaartaasi waxaa ka qayb galay wasiir ku-xigeenka wassaaradda Maaliyadda, agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta.
Maareeyaha haayadda Waddooyinka, guddoomiyaha haayadda maamul wanaaga, iyo maareeyaha haayadda Duulista.
Sidoo kale waxaa xafladaasi ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan xisbiyadda mucaaradka ah.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here