Cuqaasha iyo Waxgaradka Buuhoodle oo Ku Baaqay In Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland Loo Doorto Faaratoon

0
1637

Buuhoodle (Hargeisa Press) – Cuqaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Deegaanada Gobolka Buuhoodle oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Qorulugud, ayaa waxaa ay ku baaqeen in Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland loo doorto Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon.

Cuqaashan iyo waxgaradkan, ayaa sidoo kale waxaa ay taageereen Murrashaxnimada Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ee Guddoomiyaha golaha Wakiillada.

Sidoo kale, Cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda Deegaanada Gobolka Buuhoodle, ayaa Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif kula taliyay in uu ka tanasulo hankiisa musharraxnimo ee xilkaasi.

Cuqaasha iyo Waxgaradkan, ayaa sheegay in Faratoon kaga waayo-arragnimo iyo aqoon badan yahay xilkaasi xildhibaanka kale, sidaasi darteed loo baahan yahay in golaha Wakiilladu doortaan.

Kursiga guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa hirdan ugu jira Xildhibaan Faratoon oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiye iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo Xisbiga Waddani ka soo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here