Cabdiraxmaan Cirro oo Ka Hadlay Mawqifka Xisbigiisa Ee Furista Ururada Siyaasada

0
2218

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxammed Cabdilaahi (Cirro), ayaa waxaa uu ka hadlay mowqifka xisbigiisa ee ku aadan furista Ururada siyaasada ee dalka.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa waxaa uu sheegay in xisbigiisu uu diyaar u yahay furista ururada siyaasada iyo doorashooyinka kale ee dalka ku soo foolka leh.

Cirro, ayaa sidoo kale waxaa sheegay fariin u diray xisbiyada dhigiisa ah, isaga oo ugu baaqay in hadii ay wax isla hayaan bannaanka ay u soo baxaan.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani, ayaa doorashada ururada siyaasada ka danbaysiiyay doorashada madaxtooyada marka la eego sida uu hadalkiisa u dhigay.

Sikastaba ha ahaatee, ilaa immika ma jirto xilli cayiman oo loo muddeeyey furista ururrada Siyaasadda oo Xeerkiisa Golaha Guurtidu dhawaan ansixiyey.

Sidoo kale, lama oga in Furista Ururrada Siyaasaddu ka horreyn doonto Doorashooyinka Golaha Guurtida iyo Madaxtooyada maadaama aanay jirin muddo cayiman oo qabsoomiddeeda laysku raacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here