Dhalinyarada Diinta Ka Baxday Dambiga Waxa Leh,Culumada Diinta Maanta Hogaamisa!!!? Qalinkii: Mawliid Axmed Jibriil

0
960
Mawliid Ahmed Jibriil

Waxaan maqlayaa waxa jira dhalinyaro la sheegay in ay diinta islaamka ka baxeen.Hadaba waxa iswaydiin mudan maxaa lagaga faa,iidaysday?

 

Waxaa odhan karaa waxa lagaga faa,iidaysday markay caruurtu waydo in lagu barbaariyo diinta waxay u nugul yihiin in cid kale ka faa,iidaysato ,

 

sobobtoo ah, Caruurta soomaaliland oo dhan hadii faqiir yahay iyo hadii tijaar dhalayba waxa lagu wada barbaarin jiray diinta islaamka oo geed hoosdii ayay wax ku wada baran jireen qaf kasdaa waxa awoodi jiray lacagta lagu barto quraanka, laakiin hada caruurtu ma wada helaan barashada diinta maadaama Arday kasda laga rabo lacag badan oo danyartu awoodi karin marka caruurtu badan tahay, waxa kaliya oo hada lacagta diinta lagu xidhay bixin kara kuwa hantida haysda oo kaliya.

 

Arintana waxa gundhig u ah culumada maanta barashada diinta gacanta ku haya, gaar ahaan madarasadaha.

 

Culumada medarasadaha hada gacanta ku hayaa, markii ay ololaha ogu jireen siday gacanta barashada caruurta ee diinta ogu dhigi lahayeen waxay odhan jireen caruurtii quraanka baranaysay ayaa lacag laga qaadayaa, xoolihii Agoonta ayaa la cunayaa, iyagoo markaa u jeeda wadaadadii hore ee laga Aflaxay, waa in aynu madarasado dhisanaa caruurta wax lagu baro oo bilaash lagu baro.

 

Dhulkii madarasada laga dhisayay iyo hantidii lagu dhisayay dadka xaafadaha ayaa laga rabaa in ay bixiyaan??.Intaa ka dib, qaf ayaa dhulka bixiya mid kale lacagta lagu dhisayo ayuu bixiyaa,!!!

 

Inta ka sakaw, wadaadkii marka medarasadii dhamaatay ee gacanta ku dhigay ,hanti uu leeyahay ayay noqotay oo cida doolar haysaa dhigan karto, kii danyarta ahaa ee la jaarka ahaa ma dhigto maadaama waalidkii awoodi waayay in lacagta caruurta laga rabo ee madarasada bixin karin.

 

Sidoo kale, wadamada carabta ayaa madarasado dalka ka dhisay,

waliba caruurta dhigata iyo macalimiinta hantida ku baxda ilaa cuntada ayay bil kasda soo bixiyaan laakiin Ardayda dhigata lacag badan ayaa laga qaadaa hadii uu bixin waayo ma dhigan karo, Danyartu ma dhigtaan maadaama hantida lagu rabo aanay haysan.!!!

 

Kuwayd foundition, danyartii wax ka baran lahayd waa loo diiday waliba way mudaharadeen, waxa kaliya loo ogalaaday ardayda Agoomaha oo tiro yar, waxa kale ee meesha dhigtaa waa caruurta kuwa hantida haysda dhaleen.

 

Iskuulka Turkiga, waxa la yidhi waa privet, oo waxa kaliya oo dhigta kuwa hantida haysda caruurtooda, hadana waxa la siiyay hantidii umada , oo haduu privet yahay maxaa guryaha shacabka u kiraysan waayay si wax looga faa,iido hantida ay guranayaan?!!

 

Waxan aaminsanahay in shuraako ay kula noqdeen kuwa umada xilka u haya.!!

 

Isku soo wada duuuboo, dhalinta diinta ka baxday waxa ka masuula culumada maanta diinta hogaamisa iyo xukumada haday arimahan wax ka bedali waayaan. dhalinyarada ayaan la qabqabsan ee cida iska hortaagtay in diinta bartaan hala qabqabsado oo ah culumada oo diin la,aan caruurta baday iyo xukumada oo waxba ka qabanla.

 

Gabogabo, SHEEKH MUSDAFE ISMACIIL IYO SHEEKH ADAN SIIRO WAXAN KA CODSANAYAA ARIMAHAN IN AY KA HADLAAN, HADAYSE KA AAMUSAAN WAXAY U MUUQANAYSAA IN ARINTAN LA QABAAN,!!!

 

Wadaadka Hada Waxan Odhan Karaa, Diinta Doolarka Ayuu Ka Jacayl Yahay, Xukumada Talada Haysaa Ilaalinta Sharciga  Waxay Ka Jacashahay Shuraako.

 

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafdu Bal Haka Hadlo Arinta Madarasadaha Waa,Ayo Waa La Shuraako, Laakiin Dhalinyada Waan Hubaa In Uu Ka Hadli Karaa, Sobobta Caruurta Diin La,Aanta Ka Dhigtay Kama Filayo In Wax Ka Qaban Karo, Aluf Kaa Qaloocday, Albaqruu Ku Dhibaa, Haday Sidan Sii Ahaato Cid Kasdaa Caruurta Diin Ta Lagu Barbaarin Way Ka Faa,Iidaysan Doontaa.

 

Akhrisdayaasha Fadlan Hadad Akhrido Ku Darso Fikradaada Si Arimahan Wax Looga Qabto.Sheer Garee!!!!?

 

ALLA MAHADLED

Qalinkii: Mawliid Axmed Jibriil

xaqsheeg@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here