Dhakhaatiir Caafimaad oo Ka Socda Somaliland oo Tababar U Tagaya Taiwan

0
1113

Hargeysa (Hargeisa Press) – Agaasimaha guud ee wasaaradda horrumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo ay wehelinayaan Agaasimeyaasha Cusbitaalada Hargeysa iyo Gabiley, ayaa maanta ka qayb-gelay xaflad lagu sabootinayay 8 Dhakhtar oo ka kala socday xarumaha hooyadda iyo dhalaanka (MCH) ee Maroodijeex iyo Gabiley iyo Cusbitaalada Hargeysa iyo Gabiley oo tababar u tagi doona dalka Tiawan.Β 

Xafladdan, ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb-gelay madaxda Safaaradda Taiwan ay ku leedahay Somaliland iyo Maamulka Mashruuca (ICDF Taiwan) oo wasaaradda horrumarinta Caafimaadka kala shaqeeya dhanka Caafimaadka.Β 

Madaxda ka kala socotay Safaaradda Taiwan iyo mashruuca (ICDF Taiwan), ayaa aad ugu mahadceliyay wasaaradda horrumarinta Caafimaaddka, sida wanaagsan ee ay ula shaqayso, waxaanay balan qaadeen inay sii wadi doonan tababaradan oo kale.

Agaasimayaasha guud ee Wasaaradda horrumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha Caafimaadka ee ka hawlgala xarumaha Caafimaadka ee kala duwan, ayna wax weyn ka badali doonto habsami u socodka shaqooyinka Caafimaadka ee ka socda dhamaan Xarrumaha caafimaadka ee dalka.

Waxaanu sidoo kale u mahadceliyay dalka aynu saaxibka nahay ee Taiwan iyo madaxda mashruuca ICDF oo hawlo Caafimaad oo kala duwan la wada Wasaaradda horrumarinta Caafimaadka, isagoona ugu dambayn ujeediyay Duco iyo Dardaaran shaqaaha Caafimaad ee tagi doona Taiwan, waxaanu u sheegay in ay yihiin Safiiiro ka turjumaya dalka islamarkaana siday ay u dhaqmaan ka turjumayso dalkay ka yimaadeen.

Agaasimaha, ayaa dhanka kale qalab Caafimaad oo loogu talo galay tababaradda kala wareegay Madaxda Mashruuca (ICDF Taiwan), iyadoo qalabkani wax weyn ka tari doona dadaaladda loogu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha Caafimaadka.

Wasaaradda horrumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku hawlanayd sidii ay kor ugu qaadi lahayd aqoonta iyo xirfadda shaqaalahaΒ Caafimaadka ee dhamaan goboladda iyo dagmooyinka dalka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here