Dawladda Hoose Ee Laascaanood Oo Olole Nadafadeed Ka Fuliyey Magaaladda

0
854

Laascaanood (HP): Maayarka degmada Laascaanood ayaa kormeer uu ugu kuur galayay nadaafadda iyo fayo-dhawrka ku soo maray suuqyada magaaladaas, gaar ahaana goobaha wax laga cuno.

Maayarka magaalada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, waxa kormeerkaas ku weheliyaan xoghayaha fulinta ee dawlada hoose ee degmadaas Cabdiraxmaan Khadar Gaas, iyo agaasimaha waaxda arrimaha bulshada Jaamac Cali Xaashi.

Waxaanay masuuliyiintaasi soo kormeereen hudheelada, Makhaayadaha iyo goobo kale oo magaaladaasi ka tirsan.

Masuuliyiinta degmada Laascaanood ayaa kormeerkas ka dib sheegay in dirays u gaar ah loo samayn doono hawl-wadeenada ka shaqeeya goobaha cuntada, si loo illaaliyo nadaafadda iyo fayo-dhawrka guud ee bulshada.

Ugu damayn madaxda degmada Laascaanood waxay xuseen in kormeerkaasi uu qayb ka yahay fulinta dadaalada ay wadaan guddida heer qaran ee ka hortagga iyo u diyaargarawga xannuunka Corona Virus ee Somaliland.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargasya Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here