Dagaal Laba Beelood Ku Dhexmaray Deegaanka Xudun Ee Gobolka Sool oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

0
2214

Laascaanood (Hargeisa Press) — Wararka ka imanaya deegaanka Xudun ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal u dhexeeya laba Beelood.

Dagaalkan ayaa labada beelood ku dhexmaray duleedka degmada Laf-weyn oo ka tirsan deegaanka Xuddun ee gobolka Sool.

Waxaa lagu soo waramayaa in Laba Qof ay ku dhinteen ku dhowaad Toban qofna ay ku dhaawacmeen.

Dhaawaca dadka ayaa waxaa loo qaaday cisbitaalka magaalada Laascaanood.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka bilaabmay deegaamaysi oo halkaasi  laga wado oo maalmihii la soo dhaafay muran weyni ka taagnaa.

Wararku waxay intaas ku darayaan in isu ciidanaysi xoogleh uu ka soconayo degaanada ardaayada is hayaa ka soo jeedaan, iyadoona lagana cabsi qabo in dagaalku intaas ka sii xoogaysto.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumada Somaliland oo ku saabsan dagaal beeleedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here