Xaalada Ajaanib Ku Sugan Somaliland oo Laga Deyrinayo

0
1556

Berbera (Hargeisa Press) — Waxaa laga deyrinayaa xaaladda nololeed ee Ajaaniib ku sugan Somaliland, gaar ahaan magaallo xeebeedka Berbera, kuwaas oo ah kaluumeysato ka soo jeeda dalka Hindiya.

Ajaanibtan oo tiradoodu gaadhyso illaa sideed ayaa ku go’doonsan magaaladaasi, waxaana ay ka soo jeedaan is-maamulka Tamil Nadu ee wadanka Hindiya.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen xeebaha magaalada Berbera.

Sidoo kale, waxaa lagu soo waramayaa in haatan ay la soo darseen dhibaatooyin ay ka mid yihiin hoy la’aan, cunto la’aan, daryeel la’aan iyo xaalado kale oo ka dhashay cudurka Covid-19.

Kalluumeysatadan 8-da ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Viswanathan 47-jir ah, Wiilkiisa Cheran oo 22-jir ah, Chithravel 27-jir ah, Muthukrishnan 28-jir ah, Suresh oo 35-jir, Manimaran oo 34-jir ah iyo Prabhu 27-jir ah, waxaana dhamaantood ay codsadeen in dalkooda dib loogu celiyo.

Waxa ay sheegeen in shaqooyinkii ay u hayeen shirkadda ay qandaraaska la galeen uu caqabad ku noqday Cudurka Coronavirus, ayna u baahan yihiin in la caawiyo.

Xukuumadda Somaliland weli kama ayna hadlin dhibaatooyinka ay wajahayaan kaluumeysatadaasi ajaaniibta ah ee ku sugan magaalada Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here