Daawo Sawirada Qaabka Gobalka Gabiley Loogu Diyaar Garoobay Xuska 18-May Oo Maalinta Bari Ah Ku Beegan Iyo Maamulka Gobolka oo Kormeeray

0
1458

Gabiley, (HargeisaPress) —Masuulinta heer gobal iyo heer degmo iyo gudiga xuska18 ka may ee Gobolka Gabiley ayaa saaka kormeer ku sameeyay lamaaha dawlada dawlada hoose ee gobalkan gabiley isla markaana ka qayb qaadatay dugsiyada waxbarashada gobalkan gabiley.

GABIL 3

Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Axmed, Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Oo Uu Wehelinaya Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Cabdiraxmaan nuur abokor iyo gudiga xuska18 ka may ee Gobolka Gabiley ayaa ujeedadan kormeer ayaa ahayd mid dhoolatus ah oo ay dadwaynaha gobalka gabiley ku muujinayaan maalinta xuska qaranka Somaliland ee 18 ka may oo ah maalin qiimo badan.

GA

Waxa maalinta bari ah laga xusayaa guud ahanba gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland maalintii magalada burco lagaga dhawaaqay gooni isku taaga jamhruuiyada somliland oo ku beegan 18-may ahna sanadguuradii 25-aad ee kasoo wareegtay gooni iskutaaga Somaliland.

GAB 2

Gabiley Iyo Nawaxigeeda Aad Ku Arkaysaa Iyada Oo Meel Walba Lagu Xardhay Astaanka Qarankani Leeyahay Ee Calanka Jamhuuriyada Somaliland,Waxaanad Ku Arkaysaa Badhtamaha Suuqayada Kala Duwan Ee Magaalada Astaamo Kala Duwan Oo Lagu Waynaynayo Maalintan Oo Lagu Dhajiyey Meheradaha Hortooda Taasi Oo Ay Amar Ku Bixisay.

GAB 3

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here