Daawo Muuqaal: Xisbiyada Mucaaradku Siday u arkaan wadahadaladii Natiijo La’aan Ku Soo Dhamaaday

0
904

Hargeysa, (HargeisaPress) — Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland ayaa maanta mar kale isugu yimid  wadahadaladii xal u raadinta xiliga doorashooyinka ee maalmahan u socday, waxaana gebagebadii kulankii maanta saxaafadda la hadlay Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga Muxaafadka.

Xisbiyada ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey natiijada kulankii maanta, iyadoo Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ay si wadajir ah u sheegeen inay wadahadaladu socdaan oo la isugu soo noqonayo, halka Xisbiga wadani uu dhankiisa u sheegay saxaafadda in wadahadaladii socday burbureen, inkastoo Xisbigu rajo ka muujiyey in mar kale la isugu iman karo.
 
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here