Daawo: Barnaamij Ku Saabsan Ardayda Somaliland Ee Wax Ka Barta Turkey

0
426

Ankara (HP): Dalka Turkiga ayaa sanadihii u danbeeyay ka mid ah wadamadda ay ardayda reer Somaliland waxbarashadda u tagaan.
Waxaana jirta in sannad kasta ay boqolaal arday reer Somaliland ahi waxbarasho u tagaan jaamacadaha ku yaalla dalkaasi Turkey.

Kuwaasoo ku soo qaata heerarka waxbarashadda jaamacadaha ee kaka duwan, sida heerka koowaad (degree) iyo heerka labaad (master) ee jaamadda.

Ardayda reer Somaliland ee waxbarashadda u taga dalka Turkey ayaa isugu jira kuwo ku baxa nidaamka deeqaha waxbarasho ee ay dawladda Turkigu siiso dawladda Somaliland.
Iyo sidoo kale kuwo iyagu si gaar ah u rsadsadda waxbarashadda Turkiga oo lacago ku dhigta jaamacadaha dalkaasi Turkey.


Mubaarig Cabdi Ismaaciil, oo ka mid ah ardayda reer Somaliland ee haatan waxbarashadda ka wadda dalka Turkey ayaa culuumta uu barto iyo sida uu ku tegay dalkaasi uga uga waramay wakiilka TV-ga qaranka Somaliland ee dalka Turkey Shiine Cilmi Kaahin.
Mubaarig Cabdi Ismaaciil, ayaana tilmaamay in bishii October ee sanadkii 2019-kii uu tegay dalka Turkiga, isla markaana uu ka barto culuumta Sharciga.

DAAWO:Waraysigaasi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here