Somaliland: Xukuumadda iyo Xisbiyadda Oo Heshiis Ka Gaadhay Doorashooyinka

0
349

Hargaysa (HP):kulan lagu lafo-guray arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka, ee Somaliland ayaa maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyada.


Kulankaasi oo shirkan guddoominayey madaxweynaha Somaliland waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka, hoggaanka saddexda xisbi qaran, xubnaha guddida doorashooyinka.
Guddoomiyaha maxkamadda sare, Xeer ilaaliyaha guud iyo ku-xigeenkiisa iyo xubno ka mid ah golaha wasiirrada.
Waxanay dhinacyadu si qoto u lafo-gureen sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho lagu wada raalli yahay, isla markaana uu dhinac waliba diyaar u noqdo inuu u hagarbaxa qabsoomidda doorashada.


Ugu horrayn waxa halkaas warbiximo muhiim ah oo dhinaca doorashada ah, lagaga dhegaystay xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka.
Waxaanay tilmaameen inay dhinacooda doorashadu diyaar ka tahay, dhammaanba dhinacyada kale ee ay doorashadu Khusaysana ay uga baahan yihiin taageero niyadsami leh.


Sidoo kale waxaa kulankaasi hadalo ka jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyeyaasha labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani.

DAAWO: Hadaladii Madaxweynaha iyo Hogaanka Xisbiyadda:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here