Daadad khasaare lixaad leh Gaadhsiyay magaalada Qardho

0
821

Ugu yaraan 6 qof oo saddex ay carruur yihiin ayaa waxa ay ku dhinteen magaalada Qardho ee Bariga Soomaaliya kaddib markii ay magaalada ku rogmadeen daadad xooggan oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo xalay halkaasi ka da’ay.

Waxaa ilaa iyo haatan la baadigoobayaa 10 qof oo ay daadadku latageen.

Inta badan waxa ay daadadku saameyeen ganacsiyadii magaalada iyadoo 150 gurin ay magaalada ku dumeen.

Dhanka kale daadadku waxa ay barakiciyeen boqollaal qoys oo ku soo dhacay hoy la’aan.

Duqa magaalada Qardho Cabdi Saciid Cismaan oo khadka taleefanka ugu warramay weriye Axmed Cawil Jaaamac oo Garowe jooga ayaa sheegay in qasaaro badan uu ka dhashay roob mahiigaan ah oo xalay halkaasi ka da’ay.

“Ugu yaraan 6 qof oo saddex ay carruur yihiin waa ay dhinteen, toban qof ku dhawaadna waa la layahay, ganacsigii magaaladana boqolkiiba sagaashan biyo ayaa la tagay. ”Ayuu yiri Duqa magaalada Qardho Cabdi Saciid Cismaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here