D/Hoose Ee Gabiley Oo Ku Baaqday Olole Nadaafadeed

0
310

Gabiley (HP): Xubnaha golaha deegaanka ee degmadda Gabiley ayaa bulshadda ku nool magaaladaasi ugu baaqay in ay kala soo qayb galaan olole naadafadeed oo maalinta berri ah laga fulinayo xaafadaha magaaladaasi.

Maayarka Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, maayar ku-xigeenkiisa, iyo xubnaha golaha deegaanka Gabiley oo maanta warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in ololahaasi nadaafadeed magaaladda lagaga ururin doono qashinka.

Ololahaasi nadaafadeed oo loogu magac darray β€œGabiley nala qurxi” ayaa laga fulin doonaa afarta xaafadood ee ay magaaladda Gabiley ka kooban tahay, kaasoo maalinta berri ah subaxnimadda la bilaabi doono.

Maayarka Gabiley waxa uu sheegay in ololahaasi nadaafadeed ay hor kici doonaan masuuliyiinta dawladda hoose ee Gabiley, isagoona bulshadda ugu baaqay in ay kala soo qayb qaataan ololahaasi nadaafadeed.

DAAWO: MAAYARKA IYO XUBNIHII KALE OO ARRIMAHAASI KA HADLAYA:

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here