Agaasimaha Cusbitaalka Degmadda Sheekh Oo Baaq U Diray Qurbe Joogta

0
299

Sheikh (HP): Agaasimaha cusbitaalka degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshadda Somaliland gaar ahaana qubre joogta u dhashay dalkaasi in ay ka soo qayb qaataan dayactirka dhaawacyo soo gaadhay dhsimaha cusbitaalkaasi.

Dhaawacyadaasi oo cusbitaalka soo gaadhay markii dib u habaynta lagu samaynayay ayaa ah inuu biyaha roobka soo Darroorinayo cusbitaalku xiliyadda uu roobku da’ayo.

Taasoo uu sheegay agaasimuhu in ay u baahan tahay in hadda wax laga qabto, isla markaana haddii ay biyahasi sii socdaan ay cusbitaalka dhibaato u gaysanayaan.

Dr. Cumar Cabdi Maxamed, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay dhamaanba bulshadda Somaliland  iyo jaaliyadaha ku nool dibadaha ee u dhashay degmadda Sheekh in ay ka soo qayb qaataan sidii Darroortaasi wax looga qaban lahaa.

Waxa kaloo uu agaasimaha cusbitaalka degamdda Sheekh sheegay in ay iyagu ka cusbitaal ahaan iyo ka dawlad ahaanba ay  diyaariyeen qiimayn ay ku sameeyeen sidii wax looga qaban lahaa dhaawacaasi soo gaadhay Jiingadda cusbitaalka.

Geesta kale Dr. Cumar, waxa uu sheegay in cusbitaalka degmadda Sheekh uu ku yaallo meel aad u muhiima ooh al-bawle ah, maadaama oo uu marro Dawga Sheekh, kaasoo shilalka ka dhacaa ay aad u badan yihiin marka loo eego inta kale ee dalka.

Waxaanu tilmaamay agaasimaha cusbitaalka Sheekh in ay gacan weyn ka gaystaan xiliyadda ay shilalku dhacaan.

Iyadoo xiliyadii hore marka ay shil dhacaan dhaawacyadda loo qaadi jiray, balse intii uu furnaa cusbitaalka degmadda Sheekh uu wax badan ka qabtay dhaawacyadda shilalka.

Dhinaca kale agaasimaha cusbitaalka degmadda Sheekh waxa uu ka hadlay addeegyo cusub oo caafimaad oo ay cusbitaalka ku soo kordhiyeen, gaar ahaana Hooyadda iyo Dhalaanka.

Barnaamijkaasi caafimaad oo ah in addeegyadda caafimaadka laga kaxeeyo magaallooyinka oo la gaadhsiiyo dhulka Baadiyaha ah ee fog fog, iyadoo loo diyaariyay gaadiidkii loogu addeegi lahaa.

 

Daawo: Agaasimaha Cusbitaalka Sheekh Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here