Wefti Ka Socda DDS Itoobiya Oo Tog-Wajaale Lagu Soo Dhaweeyay

0
301

Tog-Wajaale (HP): Wefti ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaallo xuduudeedka Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley.

Weftigaasi waxaa ka mid ah wasiirro ka tirsan maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo masuuliyiin kale.

Kuwaasoo u jeedadda socdaalkoodu la xidhiidhaa sidii ay uga qayb geli lahaayeen furitaanka Carwadda bandhiga Buugaagta Hargayaa oo la filayo in ay maalinta berri ah furanto.

Waxaana weftigaasi magaaladda Tog-Wajaale ku soo dhaweeyay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland iyo maamulka gobolka Gabiley.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here