Cirro oo Beesha Caalamka U Gudbiyey Dacwad Ka Dhan Ah Madaxweyne Muuse Biixi

0
1314

Nairobi  (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo kulan gaar ah Nairobi kula qaatay Wakiillada Midowga Yurub iyo Danjire ku xigeenka Mareykanka ayaa ka wada hadlay xaaladda Somaliland.

Ugu horreyn guddoomiye Cirro ayaa u sheegay xubnahaasi in Somaliland oo muddo ku jirtay deganaasho ay hadda ku socoto dagaal Sokeeye, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuu ka shaqeynayo nabad gelyo darro, islamarkaana uu doonayo in dagaal iyo fowdo ay dib ugu laabato Somaliland.

“Muuse waxaa uu doonayaa in uu gaadho hadaaf aanu ku gaadhin dagaalkii sokeeye ee sanadkii 1994tii,taas waxaa ay ka soo horjeeddaa rabitaanka Dadka Somaliland” ayuu yidhi guddoomiyaha xubiga mucaaradka ee Waddani ee Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Cirro).

Dhinaca kale, ergo ka socoto xubnaha Beesha Caalamka ayaa 18-ka bishan booqasho ku tago doono Somaliland, sida ay Hargeisa Press u xaqiijiyeen ilo ku dhow kulanka dhexmaray Cirro, Wakiillada Midowga Yurub iyo Danjire ku xigeenka dalka Mareykanka.

Sidoo kale, ilo wareedyada ayaa sheegay in safarka ergadaasi uu qaadan doono muddo laba cisho ah, islamarkaana ay la kulmi doonaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Xaaladda siyaasadeed ee Somaliland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahayd mid kacsan, taas oo ka sii dartay, kadib markii Golaha Guurtida iyo Wakiilada ee Somaliland ay sameysteen muddo kororsi cusub oo ay ka biyo diidan yihiin hoggaanka xisbiyada Mucaaridku.

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here