Ciidamo Tiro Badan Oo La Soo Dhoobay Jidadka Waa Wayn Ee Hargeysa , Amaanka Caasimada Oo Aad Loo Adkeeyey iyo Somaliland Oo Caawa 25 Jirsanaysa

0
956
Qaar ka mida Ciidanka booliska Somaliland Photo File

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxa xalay ilaa maanta aad loo adkeeyey amaanka Caasimadda Hargeysa iyada oo jidadaka waa weyn ee  Hargeysana lagu soo daadiyay ciidamo tiro badan si y u adkeeyaan amaanka.

 

Waxaana ciidamadani ay baadhayeen gawaadhida iyaga oo sidoo kalena gawaadhiga ka jarjarayay bacda madow ee lagu dhajiyo gawaadhida ee loo yaqaano beersoosha.Waxaana ciidamadan wadooyinka hal mar lagu dhex arkay kadib markii lasoo tukaday saladii maqrib iyaga oona taagnaa ilaa waabarigii.

 

Dhanka kalena wararka naga soo gaadhaya magaaloooyinka burco, Berbera, ceerigaabo, Laascanood iyo Gabiley ayaa iyagana waxa naloo sheegay in xalay ciidamo tiro badan lagu daadayay wadooyinka kuwaasi oo baadhitaano ku waday gawaadhida.

 

Ilaa hada lama garanayo natiijooyinka kasoo baxay hawlgaladaa ay ciidamadu xalay sameeyeen, wallow ay fooda inagu soo haysa xuska sanad guuradii 25 ee kasoo wareegtay gooni isku taaga jamhuuriyada Somaliland.

 

Hawlgaladan ay ciidamadu xalay sameeyeen Ayaan wali la garanayn waxa kasoo baxay, balse sababta loo adkaynayo amaanka ayaa ah xuska 18-may,wallow ay sidoo kalena jiraan hawl galo ay ciidamadu sameeyeen habeen hore oo ay kusoo qab qabteen rag lala xidhiidhinayay kooxda ka dagaaalanta koonfurta somaliya ee Al-shabaab.

 

Guud ahaan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland waxa Arbacada beri looga dabaal degayaa sannad guurada 25aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland oo magaalada Burco lagaga dhawaaqay shirweyne ay isugu yimaadeen Beelaha Somaliland 18 May 1991.

 

Dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland, waxa ay ka dambaysay halgan qadhaadh oo Ururkii SNM oo taageero ka helayay shacbiga ku dhaqan dalkan, la galleen dawladii keli taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, ka dib markii uu tacadi, xasuuq iyo dhibaatooyin kale kula kacay shacbiga Somaliland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here