BBC-da Oo Si Toosa Looga Tabiyay Badhtamaha Hargeysa Iyo Dareenka Bulshada Caasimada + SAWIRRO

0
881

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dadweynaha reer Hargeysa ayaa shalay gelinkii dambe mar keliya ka war helay iyadoo idaacadda BBC Somali qayb ka mid ah laga tabinayo badhtamaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan duleedka dhismaha weyn ee Dahab Shiil.

 

Labada saxafi ee Cabdirisaaq Catoosh iyo Axmed Siciid Cige, ayaa maalmihii u dambeeyay Somaliland ka diyaarinayay barnaamijyo ku saabsan maalinta la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland ee 18 May oo sannadkan 25 jirsatay.

bbc

Shalay Galab, weriye Cabdirisaaq Catoosh ayaa qaybo ka mid ah barnaamijkii galabnimo ee BBC Somali wuxuu ka dhex baahinayay badhtamaha magaalada Hargeysa, waxaana markii ay ogaadeen in idaacadii BBC laga baahinayo suuqa Hargeysa ku soo xoomay dad badan oo indhahooda ku daawanayay idaacadda weyn ee BBC oo si toos ah Hargeysa badhtankeeda looga tabinayay.

 

Qaar ka mid ah dhallinyaradii goobtaas ku soo ururtay ayaa saxafiyiinta BBC Somali uga mahadceliyay dedaalka ay sannadkan geliyeen diyaarinta warar, faalooyin, doodo iyo macluumaad ku saabsan Somaliland oo sannadkan 25 jirsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here