Ciidamo Ka Tirsan Milateriga Itoobiya oo Gudaha U Galay Soomaaliya

0
726

Gedo (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamo milateri ah oo tiro badan oo ka socdo dalka Itoobiya ay gudaha u galeen gobolka Gedo, kadib markii ay ka soo talaabeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca dowlad deegaanka.

Ciidamadan, ayaa lagu soo waramayaa in gaadhayaan tiro ahaan dhowr boqol oo askari, iyagoona gaadhay deegaano hoostaga degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ka sameysteen fadhiisimo ciidan, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo aad u culus.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamadan ka socda Itoobiya ay aad u qalabeysan yihiin, isla-markaana ay wataan gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ee gudaha u galay gobolka Gedo, ayaa la sheegay in ayna qayb ka ahayn kuwa howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Ciidamadan, ayaa la sheegay in ay ka qayb-geli doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo Soomaaliya.

Dhawaan ayay sidoo kale ahayd markii ay kooxda Al-Shabaab gudaha u gashay dhulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay ka fuliyeen weeraro maalmo badan qaatay, isla-markaana dhaliyay khasaare xoogleh oo isugu jira dhimasho, dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here