Ciidamada Dabdemiska oo Soo Samata-bixiyay Ilmo Yar oo Masquul Lagu Riday

0
1513

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ciidamada dab-demiska Caasimada Hargeysa, ayaa waxaa ay maanta gelinkii dambe soo samata-bixiyeen Ilmo Yar oo lagu riday Musqul ku taalla Xaafada Magaalo Cambar ee degmada Ibraahim Koodbuur.

Ciidanka oo ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay ka soo saaraan suuliga, iyadoo xubin ka mida ciidanka oo adeegsanaya xadhkaha Samatabixinta iyo sallaamada uu gudaha u galay godkaas kana soo saaray, iyadoo Ilmahaasi noolyahay Caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsanayahay.

Kadib ciidanka Dab-demiska, ayaa waxaa ay Ilmahaas yar oo caafimaad qaba ku wareejiyay Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Hawlgalkaas ay sameeyeen ciidanka Dab-demiska, ayaa ku soo dhamaaday guul iyadoo ilmahaasina hadda Caafimaad qabo, sida ay ciidanku sheegeen.

Ciidanka dab-demiska, ayaa laga soo bilaabo aasaaskii ilaa maanta sameeyay badbaadooyin iyo samatabixino kale, waxaanay ciidamada Dabdemisku bulshada ku wacyigeliyeen in godadka la daboolo si aanay khatar uga iman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here