Ciidamada Booliska oo War Ka Soo Saaray Hooyo Afar Caruur Ah oo Ay Dhashay Dab-qabadsiisay

0
1419

Burco (Hargeisa Press) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxaa ay war ka soo saareen Hooyo ku noolayd deegaanka Naqdhabiijo oo ka tiran gobolka Togdheer oo xalay guriga ku gubtay Afar Carruur ah oo ay dhashay.

Laba ka mid ah afartaasi Carruurta ah oo walaalo ahaa ayaa geeriyooday, halka labada kalena dhaawacooda la geeyay Cisbitaalka magaalada Burco.

Falkan ay Hooyadaasi kula kacday Carruurteeda islamarkaana ay dabka qabadsiisay ayaa aad looga naxay.

Ciidamada Booliska oo goobta falkani ka dhacay gaadhay ayaa gacanta ku dhigay Hooyadii geysatay falkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here