Casuumida Qurba Jooga Burco + Hadalada Aanay Ka Daalin Dawlada Hoose Ee Burco.

0
982

Bismilaah; waxa mahad oo dhan leh ilaahay SWT ina siiyay amniga iyo nabad qabka, intaas ka dib, runtii waxa wax lala yaabo ah nin aan tiisiiba daryeelini inuu mar walba wadooyinka iyo media-yaha la taagan yahay waxaanu qabanay waxaan cidi qaban iyo hadal aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxa ka qabsoomay magaalada Burco gaar ahaan City Plaza Hotel casuumad kooban oo loo sameeyey qurba jooga gobolka togdheer ee haatan burco ku sugan kuwas oo ay soo agaasimeen xubno ka mid ah xil-dhibaanada degmada Burco, taas oo runtii ahayd munaasabad aan wax qiima ah lahayn.

Waayo maanta magaalada Burco waxay la daalaa dhacaynaysaa masuuliyiiin dantii degmada ama qaranka ka door biday dantooda gaar ka ah, hadaad u fiirsato waxaad arki doontaa masuuliyiin is daba wareegaya oo aan haba yaraatee mar qudha ka fekerayn maxaynu u qabanaa gobolka oo laynooga baahan yahay.

Sidaas darteed Burco uma baahna masuuliyiin kaliya ka fekeraysa maxaa inoo nafa ee waxay u baahan tahay masuuliyiin muruqooda iyo maskaxdoodaba u hura sidii Burco ku gadhi lahayd horumar muuqda oo wax ku ool ah, waad arkaysaa qashinka buuxdhaafiyay wadooyinka waawayn ee magaalada Burco, waxaad arkaysaa hadaad dhex lugayso magaalada laamiga hal bawlaha u ah oo ay wadhan yihiin biyihii wasakhda ahaa ee ay hudheelada ama maqaaxiyaha shaahu soo qubeen oo mararka qaar samaysaba ur aad u qadhmun oo wax lala fajaco ku noqotay dadwaynihi reer Burco.

Sidaas darteed ku hirdanka masuuliyiinta ee xafladaha iyo goobaha laysugu yimaado ayaa iyana maraysa heerkii u sareeyay yadoo masuulka joobta joogaa uu jecel yahay oo kaliya sidii uu uga soo bixi lahaa shaashadaha ee loo daawan lahaa.

Kaliya shaqada muuqata ee dawlada hoose ee burco ka qabato magaalada burco ayaa waxay tahay in subaxii la soo istaadho dhowr iska rogo oo aan wada marin xaafadaha magaalada kuwaaas oo qashinka la saaro, qashinka ay qaadaana uu u dhigmo 30% (boqolkiiba sodon) maxaa yeelay ma wada gaadhaan xaafadaha magaalada Burco ee joobo gaara oo loo diray ayuun bay qabtaan oo wax ka qaadan.

Sidaas darteed waxan u soo jedinayaa wasaarada arimaha Gudaha ee Somaliland inay xooga saarto sidii dawladaha hoose u fushan lahaayeen hawshooda, oo loo heli lahaa magaaloyin bilic iyo nadaafad ba lah. Burco waxay sugaysaa nabsi baxa masuuliyiinta iminka haysata taas oo aanu filayno in ilaahay noogu bedelo masuuliyiin dadka iyo dalkaba daacad u ah oo ka fog danaysi iyo ku takri falka hantida umada.

 

Allaa mahad leh

By: Mohamed Hamud Ali

Hamudson@gmailc.om

Burco Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here