Cabashadda Koronto Xumaanta Bulshadda Berbera Oo Xal Laga Gaadhay

0
635

Berbera (HP): Guddoomiyaha komishanka Tamarta Somaliland ayaa sheegay in ay xaliyeen cabasho ka soo yeedhay bulshadda magaaladda Berbera oo la xidhiidhay dhibaato ka haysata Korontadda.

Axmed Faarax Cadare, waxa uu tilmaamay in cabashadaasi oo ahayd in bulshadu ay ka sheeganayeen Korontadda oo mararka qaarkood ka denta qaybo magaaladda Berbera ka mida iyo  in aanu u kicinin mishiinadda la isticmaaloo.

Sababta keentay ciladaasi ayuu sheegay in ay baadhitaan ku sameeyeen labadda xarumood ee Dab dhalinta wershadda korontadda Berbera iyo sidoo kale bulshadda ka cabanaysa koronto xumadda.

Taasoo uu tilmaamay in markii ay baadhitaanka ay ku sameeyeen in ay u soo baxday in Dab ku filani uu soo gaadho magaaladda, isla markaana ay suuqyadda Berbera baadhitaan arrintaasi la xidhiidha ku ogaadeen.

Axmed Faarax Cadare, waxa kaloo uu xusay in baadhitaankaasi kadib ay ku ogaadeen in sababta keenat Demitaanka Laydhka ay tahay mid dhacda xiliga kulaylaha, balse aanay suurto gal ahayn in ay joogto noqoto.

Guddoomiyaha komishanka Tamarta Somaliland waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kadib kulan ay isugu yimaadeen guddi farsamo oo ka socday komishanka Tamarta ee Somaliland maamulka gobolka Saaxil.

Maamulka degmadda Berbera iyo sidoo kale masuuliyiinta wershadda Korontadda ee magaaladda Berbera, oo uu hogaaminayay Axmed Faarax Cadare.

Kulankaasi ayaa lagaga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa ciladaha soo noq-noqday  ee wershadda korontadda Berbera.

Iyadoo halkaasi warbixin lagaga dhegaystay xubno ka tirsan komishanka Tamarta Somaliland oo muddooyinkanba baadhitaan iyo xaqiiqo raadin ka waday wershadda Korontadda Berbera.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here