“Imtixaankii si nabad ah ayuu noogu soo dhamaaday guud ahaanba gobolka”…

0
782

Laascaanood (HP): Waxaa Khamiistii shalay guud ahaanba dalka jamhuuriyadda Somaliland ka soo dhamaaday imtixaanka shahaadiga ah ee fasaladda 8aad ee hoose dhexe iyo 4aad dugsiga sare  ee sanad-dugsiyeedka 2020-ka iyo 2021-ka.

Kaasoo socday muddo todobaad ah, isla markaana ay ka qayb qaadanayeen kumanaan arday ah oo ka kala tirsan dugsiyadda dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee dalka.

Guddoomiyaha waxbarashadda ee gobolka Sool Daahir Maxamed Axmed, ayaa ka warbixiyay qaabka uu imtixaanka shahaadiga ah uga soo dhamaaday gobolkaasi ayaa sheegay in imtixaanku uu si nabadgeliyo ah guud ahaanba gobolkaasi uga soo dhamaaday.

Guud ahaanba tiradda ardayda imtixaanka shahaadiga ah  ee u fadhiisatay gobolka Sool ayaa dhamayd 1888 arday, sida uu sheegay guddoomiyaha waxbarashadda gobolku.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here