“Waxaan hanbalyo u dirayaa ummadda Somaliland munaasibadda 26-ka June”…

0
522

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa hanbalyo u diray guud ahaanba bulshadda Somaliland gaar ahaana kuwa gobolka Sool.
Xuska 61 guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadda ka qaadatay mustacmarradii Ingiriiska 26-kii bishii June ee sanadkii 1960-kii awgeed.


Taasoo xuskeedu ku beegan yahay maalinta beri ah, isla markaana la filayo in munaasibado waaweyn oo malaintaasi lagu xusayo in lagu qabto magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.
26-ka June ayuu badhasaabka Sool ku tilmaamay in ay ku astaysan tahay dharaartii ay Somaliland gobanimadeedda heshay kana xorowday gumaystihii Ingiriiska.
“Waxaan hanbalyo u dirayaa, ummadda reer Somaliland munaasibadda 61-sanno guurada 26-ka June 1960-kii oo ku astaysan dharaartii aynu gobonnimada helnay, kana xorroownay guumaystihii Ingiriiska” ayuu yidhi badhasaabku.
C/qani Jiidhe, ayaa u duceeyay dhamaanba dadkii u soo halgamay xornimadaasi.


Waxaanu yidhi, “Farxadda, qiimaha iyo dareenka ay mudan tahay, ayaan idinku hanbalyeynayaa. Waxaanan u ducaynayaa dhammaan halyeyadii naf, maal, waqti iyo cudud-ba u huray halgankii gobonimadeenna”.
Waxaanu intaas raaciyay, “26, June 1960-kii, waa astaan iyo muunad taariikhiya, waana cishada ay gobonnimada heshay Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu ku yidhi qoraal uu hartiisa Facebook ku baahiyay badhasaabka gobolka Sool.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY