Guddiga Nabadaynta Shaqaaqadii Wada Jir Oo Kulan La Qaatay Odayaasha Labadda Dhinac

0
517

Saylac (Hargeisa Press): Guddiga xukuumadda Somaliland ay u saartay nabadaynta beelihii dhawaan dirirtu ku dhex martay degaanka Wadda Jir ee gobolka Selel ayaa kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka labadda dhinac.

Weftigaasi xalinta shaqaaqadda beelaha Selel oo habeen hore gaadhay degaanka Wada Jir, waxay isa-soo hor fadhiisiyeen madax dhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka labadda beelood ee dirirtu u dhaxayso.

Guddigaasi oo uu guddoomiye u yahay wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, waxaa xubno ka ah wasiirrada wasaarradaha gaashaandhiga, caafimaadka, beeraha iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale waxaa qayb ka ah xalinta xurgufta beelahaasi badhasaabka gobolka Selel, maayarka Saylac, xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Saylac iyo xubno siyaasiyiin iyo aqoon yahano ka soo jeedda gobolka Selel.

Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore, ayaa kula dar-daarmay odayaasha iyo waxgaradka labadda dhinac in ay ku dedaalaan ilaalinta nabadgeliyadda inta hawsha xalintu ay socoto.

Waxaanu ku amaanay odayaasha beesha dhibku gaadhay in ay muujiyeen dul qaad, isla markaana wax dhiba aanay beeshoodu gaysan intii hore kadib.

Saleebaan Koore, ayaa sheegay in xukuumadu ay xil weyn iska saartay sidii arrintaasi u dhamaan lahayd, isla markaana ay jecel yihiin in anay dhib danbe dhicin,beelaha walaalaha ahna aanay colaadi dhexdooda gelin.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Ay Wasiirrada iyo Odayaasha Labadda beelood Jeediyeen:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here