Burco: Wakiilka Midawga Yurub Ee Somaliland iyo Soomaaliya Oo Booqday Degaanka Beer

0
678

Burco (HP): Wakiilka ururka midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez, oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Cali Maax, ayaa maanta kormeeray mashruuca degaanka Beer ee gobolka Togdheer.

Waxaana ku wehelinayay kormeerkaasi maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmadda Burco. Degaankaasi Beer oo wasaaradda beeraha Somaliland, midawga Yurub iyo hay’adda FAO ka hirgeliyeen mashaariic kala duwan.

Mashaariicdaasi ayaa isugu jira Kinaaladda biyaha, iyo Cagaf-cagafyo loo qaybiyay dadka degaanka Beer. Kinaaladaasi ayaa ka kooban 14 kiinaal.

Saddex ka mida Kiinaaladaasi waxaa samaysay hay’adda FAO. Iyadoo uu maalgeliyay ururka midawga Yurub.sidoo kale Cagaf-cagafyadda waxaa bixisay hay’adda FAO. Degaanka Beer waxaa ku yaala 1350 beerood.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Cali Maax, ayaa sheegay in wax-soo-saarka kor laaqo, isla markaana laga faa’iideeyo waxyaabaha taakuladda ah ee ay soo bixiyaan hay’aduhu.

Waxaanu yidhi, “In sare loo qaado wax-soo-saarku waxay ku haboon tahay, marka la is-gacan qabsado. Waxaanay ku qurux badan tahay dadka taakuladda bixiyaa in ay arkaan natiijadda wanaagsan ee ka soo baxda waxay soo bixiyeen.

Tani waxay tusinaysaa midawga Yurub ama hay’adaha kale in waxyaabaha ay soo bixiyaan markay na soo gaadhaan in aanu sidii loogu tallo galay u fulino. Taasina guul weyn bay noo tahay. Guushaa weyn waxaa suurto geliyay hay’adda FAO lafteedda, oo gacan weyn ka gaysatay”.

Sidoo kale wakiilka ururka midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez, ayaa isna ku amaanay beeralayda degaanka beer ee gobolka Togdheer sida wanaagsan ee ay uga faa’iideeyeen waxyaabaha ay ku caawiyeen.

Geesta kale badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Cabdi Maxamed, ayaa hay’adda FAO iyo wasaaradda beeraha uga mahad celiyay mashaariicdan dhinaca beeraha ah ee ay ka hirgeliyeen degaanka Beer.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here