Booliska Somaliland oo Ka Hadlay Xadhigga Bushaaro-Baanday iyo Warar Laga Baahiyey

0
2137

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan tahay Gabadh Weriye ah oo dhawaan lagu xidhay magaalo-xuduudeedka Tog-Wajaale xilli ay dhinaca dalka Ethiopia ka soo tallaabaysay.

Weriye Bushaaro Baanday oo xilligan ku xidhan Saldhigga Dhexe ee Hargeysa, ayaa sida ay baraha bulshada lagu faafiyey waxa ay tacaddiyo kala kulantay ciidanka Booliska, balse waxa warkaas waxa waxba kama jiraan ku tilmaamay Taliska ciidanka Booliska oo faahfaahin ka bixiyey hawl-galkii ay Ciidamadu ku qabteen.

Taliska Boolisku wuxuu sheegay inaanu jirin jidh-dil Ciidanku u geystay gabadha weriyaha ah oo ay ku tilmaameen Eedayne loo haysto dambi lagu soo eedeeyey isla markaana ay xilligan tahay gar-suge kiiskeedu Maxkamadda ku jiro.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Booliska, ayaa u qornaa sidan:- “Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu halkan ka beeninayaa wararka waxba kama jiraana oo Saacaddihii u dambeeyay baraha bulshada lagu baahiyay , taasi Ciidanka Booliska JSL lagu sheegay ina jidh dil u gaysteen Eedaysane Bushaare Baanday.

Ciidanka Boolisku markuu Eedaysanahan soo qabtay Markiiba waxuu degdeg u horgeeyay Maxkamadda , waxaanay gar-suge ku tahay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa.
Taliska Ciidanku waxuu shacabweynaha JSL la wadaagayaa ina Maxbuusada cidii u baahataa booqan karto , Mana jirto wax dhibaato ah oo loo gaystay.

Haddaba Waxaannu cadaynaynaa ina warkaasi waxba ka jirin, tahayna dacaayado lagu dilaayo sumcada Ciidanka sharafta leh ee habeen iyo Maalin u adeegaaya shacabweynaha JSL.

Ugu dambeyn Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu u soo jeedinayaa Cid kasta oo warar been abuur ah bulshada ku jaah wareerisaa in ay ka waantoobaan, Waxaanan sidoo kale la soconaa Shakhsiyaadka ku hawlan khalkhal gelinta iyo wararka been abuurka ah taas oo hadii ay ka waantoobi waayaan laga qaadi doono Talaabo Adag Oo sharciya.” Sidaas ayaa lagu yidhi waar-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

Weriye Bushaaro Baande oo inta badan dhaliisha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa ka mid ah tiro suxufiyiin dibad-meer ah oo xukuumadda Somaliland fal-dambiyeedyo la xidhiidha khal-khal gelin amni iyo kicin dadweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here