Wasiirka Beeraha JSL Oo Kormeeray Mashaariic Laga Waddo Gobolka Sarraar

0
275

Caynaba (HP): Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa maanga safar shaqo ku tagay gobolka Saraar.

Cabdiqaadir Iimaan Warsame, oo saddexdii maalmood u dambeeyay safar ku joogay gobolka Togdheer, ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta gobolka Saraar ee Caynaba.

Wasiirka ayaa kulan la yeeshay shaqaalaha xafiiska Wasaaradda beeraha ee Gobolka Saraar.

Wuxuuna warbixin ka dhegaystay isu-duwaha gobolka Saraar, waxaanu sheegay in qodaallada ay u qaybiyeen 640 qoys, min 2 saacadood iyo Siidh la siiyay Beeralayda deegaanka.

Waxa kale oo uu wasiirku booqday mashruuca dhaqaalaynta Ciidda oo ay wasaaraddu ka waddo degmada Caynaba, kaasi oo ay faa’iidaysanayaan bulsho gaadhaysa 500 oo qoys.

Sidoo kale, wasiir C/qaadir Iimaan, ayaa booqday beeraha deegaannada gobolka Saraar, waxaanu beeraleyda ku ammaanay tacabka iyo wax-soo-saarka wanaagsan ee ay ka sameeyeen degaanka.

Wasiirka ayaa kula dar-daarmay in ay dedaalkooda sii laban laabaan.

Geesta kale wasiirka Beeraha waxa safarkan ku wehelinayey wasiirrada Dastuurka iyo Caddaaladda JSL.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here