Barnaamijka SHAQO QARAN waa Carbis waxtar u leh Wadaniyadda, Shaqada iyo Wadajirka dhalinyarada Qaranka.

0
1400
Khadar Baaruud Cumar Badhisaab Ku-Xigeenka Gobalka Maroodi-jeex, Hargeysa.

HARGEISA — Shaqo Qaran waa barnaamij u gaar ah dhalinyarada kana shaqaynaya horumarintooda waxaana loola jeedaa in la tuso kartidooda iyo inay qaataan dareenka ah muhiimadda ka mid ahaanshahooda bulshada waana sidii loo carbin lahaa jiil ka dhisan xagga awoodda jidh ahaaneed, Akhlaaqda, Aragtida, Dhaqanka, Iimaanka, Mutadawacnimo iyo kartida curineed. Waana ta dhiiragalinaysa inay noqdaan muwaadiniin dalkooda iyo dadkooda jecel heeganna u ah ilaalinta danta qaranka iyo sharafta ummadooda dhalinyaraduna waa laf-dhartii qaranka.

Waxa kaloo marag ma doon ah in Dalku u baahanyahay inuu helo jiil hormood noqda, yididiilo abuura, isla markaana horseed ka noqda horumarinta Qoysayskeena, Bulshadeena iyo Dalka guud ahaan waxaanay taasi u baahan tahay in si weyn looga shaqeeyo.

Sidaa darteed hadafka guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran waa in la horumariyo dhalinyarada lana unko ruux wadaniyadeed, xayndaabka daacadnimo iyo hufnaanta lagu ilaaliyo dhalinyarada. Waa barnaamij horseedi kara in dhalinyarada dhexdeedana laga abuuro hab-dhaqan wanaagsan iyo qiyam toosan. Waxa guul qaran noqonaysa helidda jiil fahansan muhiimadda iskaa wax uqabso, in la helo jiil caafimaad qaba oo kalsooni leh, Masuuliyadna qaadi kara oo niyadsan iyo in la diyaariyo Dhalinyaro reer Somaliland ah oo xul ah qawanaaniinta dalkana u diyaar ah hagidiisa iyo u hogaansanaantiisa labada.

Maamul ahaan Gobalka Maroodijeex dhalinyarada Gobalka waxaanu uga mahadnaqaynaa kuna bogaadinaynaa sida ay uga qayb qaateen iskuna diwaan galiyeen 1600 ee arday iyo imtixaankii oo ay u fadhiisteen si habsamiya, waxaanu markasta diyaar u nahay in aanu ka shaqayno oo waliba aanu dhiirigalinynaa wax kasta oo horumarinaya Bulshada Gobalka Maroodijeed iyo guud ahaan qaranka waana waajibaadka qaran ee Madaxweynuhu noo igmaday. Dhalinyaradeena Barnaamijkan Shaqo Qaran nasiibka u helaa waxay waxtar u leeyihiin Nabadda iyo Deganaanshaha Qaranka, waxaanay mudnaan siin doonaan samafalka iyo u adeegga Bulshada, waa barnaamij dhinacyo bandan taabanaya kuna dhismayaan soona saaraya dhalinyaro tamar badani ku jirto oo Wadaniyiin ah daacadna u ah jecelna Dalkooda, Dadkooda iyo Diintooda.

Dunida iyo dalalka waaweyn ee innooga horeeyey Barnaamijkan Shaqo Qaran dhalinyaradooda ka qayb qaadata Barnaamijyadan oo kale waxa ay wax ka badalaan oo ay qurxiyaana sawirka Dawladda iyo Bulshada, waxaanay ku sifoobaan dhalin ka dhisan xagga Wadaniyadda, Akhlaaqda, Aragtida, Dhaqanka iyo Diinta. Waxaanay noqdaan Hormoodka Waddanka (Pride of a Nation). Barnaamijkani waa mid culayskiisa wata dhaqaale ahaan iyo xag hirgalineedba Madaweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi inuu ku dhiiraday barnaamijkan waxa ay guul u tahay qaranka waana mid taariikhda galaysa waxbadanna soo kordhin doona hadii alle yidhaa. Xafiiska iyo Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran ee sida gaarka Madaxweynuhu ugu igmadayna hawshan baaxadda leh Maxamed Xuseen (Muadin) Dawlad iyo Shacabba aynu garab istaagno.

Khadar Baaruud Cumar
Badhisaab Ku-Xigeenka Gobalka
Maroodi-jeex, Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here