Bandhiga Buuga Dharaaro Ina Soo Maray Ee Qoraa Boobe Oo Caawa Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa

0
1213

Hargeysa,(HargeisaPress)- Buug ka hadlaya Taariikhdii SNM ayaa lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa

Munaasibadani lagu daahfurayey waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Ahmed, Madaxwayne Ku xigeenkii hore  Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax,iyo marti sharaf tiro badan.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Ahmed ayaa ka waramay sooyaalkii taariikheed ee loo soo gallay wadankan Jamhuuriyadda Somaliland islamarkaasina uu u iftiimiyey jiilka cusub inaan qarranimada Somaliland si fudud lagu helin,Wasiirka Arrimaha gudaha somaliland ayaa ku ammaanay Qorraaga buuggan oo ka hadlaya taariikhdii SNM.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenku hore ee Jsl mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax kana waramay sooyaalkii taariikhda SNM waxaanu bayaamiyey inaan si fudud lagu helin qarranimada madaxbanaanida JSL.

Ugu dambayn waxa sharaxaad ka bixiyey  buuga la magac baxay Dharraarihii ina soo maray Qoraagga buuga Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaalle (BOOBE) waxaanu ka waramay taariikhdii halgankii SNM.

HALKAN HOOSE KA DAAWO XAFADII BUUGA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here