Qarax gilgilay inta badan magaalada Muqdisho oo ka dhacay Isgoyska Ex Kootarool Afgooye

0
917

Muqdisho (Hargeisa Press)— Ku dhawaad 30 ruux oo badnaa dad shacab ah ayaa lagu waramayaa  in ay ku dhinteen Weerar Ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee saaka lagu qaaday Barkootarool oo canshuurta lagu qaado Isgoyska Ex Kootarool Afgooye.

Dadka dhintay intooda badan ayaa la sheegay in ay ahaayeen Ardey Jaamacadeed iyo dad kale oo rayid ah oo la socday gaadiidka dadweynaha oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana ardeyda ku dhimatay Qarax la sheegay in ay la socdeen Gaadhi Bus ah.

Gaadhiga ayaa la sheegay in uu gabi ahaanba goobta ku basbeelay taasoo muujineysa in ayna jirin cid ka baxsatay dhamaanba dadkii saarnaa.

Waddada dhinaceeda ayaa la sheegay in la dhigay meydadka ku dhawaad 20 ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxan oo noqonaya kii ugu cuslaa ee waayadan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in  uu jiro khasaare soo gaadhay Injineerro Turkish ah oo la sheegay in laftirkooda ay la kulmeen Qaraxan goobta ka dhacay.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war war ah oo ka soo baxay dhinaca Laamaha Amniga oo la xidhiidha weerarkan Ismiidaaminta ah, sidoo kalana ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadiisa.
Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here