Banaanbaxyo lagu taageerayo Baarlamaanka Ingiriiska oo ka dhacay gobollada iyo degmooyinka Somaliland + SAWIRO

0
628

Hargeysa (HargeisaPress) – Dadweynaha Somaliland ee ku nool gobollada iyo degmooyinka Somaliland ayaa saaka iskugu soo baxay banaanbaxyo ay ku taageerayaan doodii Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland 18-kii bishan.

Kumanaan dadwayne ah oo iskugu jira, caruur, dhalinyar, odayaal iyo haween, oo ruxaya calanka Somaliland, ka Boqortooyada Ingiriiska iyo sawirka xildhibaan Gavin Williamson oo ah xildhibaankii dooda aqoonsiga Somaliland horgeeyay baarlamaanka, ayaa iskugu soo baxay magaalooyinka waa wayn iyo degmooyinka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka socda xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa dadweynaha kula dabaal dagay Beerta Xoriyada ee Hargaysa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, oo kumanaan qof la hadlayay waxa uu yidhi.”Waxan ALLE ugaga mahadnaqayaa in dalkii aynu taariikhda 76 sannadood ah lahayn, laga qiray qadiyada Somaliland, waxaanu boggaadinaynaa xildhibaanada Ingiriiska, gaar ahaan Gavin Williamson”

Dhamaan saraakiisha iyo dadwaynihii halkaa ka hadlay ayaa boggaadiyay dooda Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay arrinta qadiyada aqoonsiga Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here