Maayarka Laascaanood Oo Soo Bandhigay 20 Mashruuc Oo ay Sanadkan 2022 Fulinayaan

0
598

Laascaanood (Hargeisa Press): Kal-fadhigii afraad ee golaha deegaanka degmadda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo socday muddo saddex maalmood ayaa maanta la soo gebagabeeyay.


Waxaana xidhitaanka fadhigaasi lagu ansixiyay labaatan mashruuc oo horumarineed oo ay dawladda hoose ee degmadda Laascaanood sanadkan 2022-ka ka fulin doonto magaaladaasi.
Kal-fadhigan maanta soo xidhmay waxaa shir-guddoominayay maayarka degmadda Laascaanood C/xakiin Cali Ismaaciil, oo uu wehelinayay maayar ku-xigeenka degmadda Laascaanood Axmed Kawte.


Maayarka degmadda Laascaanood C/xakiin Cali Ismaaciil, oo hadal ka jeediyay xidhitaanka kal-fadhigaasi ayaana soo bandhigay 20-kaasi Mashruuc ee ay dawlada hoose ka hirgalinayso sanadkan 2022-ka degmada Laascaanood.

DAAWO: Warkaasi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY