Banaanbax Lagu Taageerayay Doodii Baarlamaanka UK Oo Laascaanood Ka Dhacday

0
365

Laascaanood (HP): Isku soo bax balaadhan oo lagu taageerayay doodii uu dhawaan baarlamaanka dalka Ingiriisku ka yeeshay qadiyadda aqoonsiga Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxaana isku soo baxaasi bulshadda magaaladda Laascaanood kala qayb qaatay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ay wehelinayeen maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo khudbad u jeediyay dadweynihii fagaarahaasi isugu soo baxay ayaa raali gelin ka bixiyay hadalkii shalay ka soo yeedhay maayarka magaalada Burco.

Hadalka maayarka Burco ayaa la xidhiidhay inuu dhalinyaradda goboladda Sool iyo Buuhoodle ay weli qori ku hubaysan yihiin, halka kuwa goboladda kale ee Somaliland na ay yihiin masuuliyiin xilal ka haya dawladda.
Wasiir Maxamed Kaahin, waxa uu sheegay in hadalkaasi uu xaal ka siinayo bulshadda goboladda Buuhoodle, iyo Sool, sidoo kalena uu maayarka Burco ku amrayo inuu hadalkiisii xaal marin ka bixiyo.

Daawo: Khudbadii Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ee Isku soo Bixii Laascaanood:

Geesta kale maayarka magaaladda Laascaanood Cabdirixiin Cali Ismaciil, oo isna ka hadlay banaanbixii lagu taageerayay qadiyadda aqoonsiga Somaliland ayaa sheegay in dadweynaha reer Laascanood ay muujiyeen sida ay arrintaasi u taageersan yihiin.

Khudbadii Maayarka Laascaanood Cabdirixiin Cali Ismaciil oo ka hadlay Banaabixii Laascanood:

Dhinaca kale waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay guddoomiyaha gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, waxaanu bulshadda magaaladda Laascaanood uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dareenkoodd au muujiyeen.

Daawo: Khudbadii badhasaabka gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here