Kulan Dhexmaray Wefti Ka Socday Midawga Yurub iyo D/Hoose Ee Hargaysa

0
275

Hargaysa (HP): Maamulka dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socday dalalka ururka Midawga Yurub oo booqasho hal maalin ah ku yimid dalka.


Waxaana weftigaasi soo dhaweeyay masuuliyiinta dawladda hoose hogaaminayay duqa caasimadda Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa kulan gaar ah la qaatay Wafti ka socda Dalalka Midawga Yurub.
Dhinaca weftigan ka socday ururka Midawga Yurub, waxaa hogaaminaysay safiirka cusub ee Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mrs. Tina Intelmann.


Weftigan ka socday ururka Midawga Yurub ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa.
Waxaanay weftigaasi loo qabtay kulan lagu soo bandhigayay qorshaha Waxqabad dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY