“Buuni waxaan u aqaanaa Qaran Dumis Inanka Shaqaalaha ah ee wasaaradda arrimaha”…

0
322

Hargaysa (HP): Xoghaye ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka jawaabtay hadalo ka soo yeedhay agaasimaha warfaafinta ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.
Sidoo kale xoghaye ku-xigeen Filsan Cabdiraxmaan, waxay ka jawaabtay dhaliilo uu shalay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, u jeediyay afhayeenka xisbiga KULMIYE C/naasir Buunni.
Xoghaye ku xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha WADDANI Filsan Cabdiraxmaan, oo maanta warbaahinta kula hadashay xarunta dhexe ee xisbigaasi ee magaaladda Hargaysa, ayaa afhayeenka Kulmiye ku tilmaantay inuu yahay Qaran Dumis iyo beentii oo soconaysa.
Waxaanay guddoomiyaha WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ka difaacday eedo uu Buuni u jeediyay, iyadoona sheegtay in Xirsi, uu yahay wiil han yeeshay oo guddoomiye xisbi ah oo mudan in la bogaadiyo.

Geesta kale Filsan Cabdiraxmaan, waxay ka jawaabtay war-saxaafadeed ay xalay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo uu ku saxeexnaa agaasimaha waaxda warfaafinta ee wasaaradaasi C/laahi Caarshe.
Waxaanay Filsan, agaasime Caarshe, ku tilmaantay inuu yahay qof shaqaale ah wasaaradda arrimaha gudaha, isla markaana shaqaalaha dawladda aanay u bannaanayn siyaasadda iyo in ay xisbiyada la hadlaan.
Sidaas darteedna shaqaalaha wasaarradaha dawladu ay shaqaale u yihiin madaxda hadda joogta iyo kuwa berri imanayaba.

DAAWO: Filsan Cabdiraxmaan Oo Arrimahaasi Ka Hadlaysa:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here