Badhasaabka Sool Oo Sheegay In Aanay Taageereyaasha Waddani Mudaharaad Ka Dhigin Laascaanood

0
578

Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa sheegay in aan wax rebshado ah ka dhicin magaaladda Laascaanood oo la xidhiidha mudaharaadkii uu ku baaqay xisbiga Waddani.

Iyadoo shalay ay magaalooyinka Burco, Berbera iyo qaar kale ka dhaceen mudaharaadyo ay dhigeen taageereyaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Badhasaabka Sool, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa xisbiga Waddani ugu baaqay in uu sharciyadda u soo noqdo, isla markaana ilaaliyo nidaamka dalka

Waxaanu yidhi, “Maanta magaaladda Laascaanood wax dhibaato ahi kama jiraan. mudaharaadkii uu ku baaqay xisbiga Waddani ee ka dhacay magaalooyinka dalka qaarkoodna kama dhicin Laascaanood”.

C/qani Jiidhe, oo is gaara ula hadlayay xisbiga Waddani ayaa yidhi,  “Xisbiga Waddani waa xisbi qaran, waanan ka xunahay in isagoo xisbi qaran ah, waxyaabo ka dhan ah amniga Somaliland in ay madaxdoodda ugu saraysaa ku baaqdo. Arrintaasi waan canbaaraynaynaa, arrin wanaagsa-na ma aha.

Dalku nidaam iyo sharci ayuu ku dhisan yahay, waxay dawladu ku fadhidaa waa nidaam lagu doortay. Idinku-na (Waddani) waxaad xisbi qaran ku tihiin sharciga ah. sharciga haloo hogaansamo ayaan ku talinayaa xisbiga Waddani”.

Geesta kale badhasaabka Sool ayaa ka hadlay arrinta muranka ka keenay xisbiga Waddani ee xulista xubnaha komishanka cusub ee doorashooyinka.

“Arrinta komishanka, waxaan maqlayay Waddani oo baarlamaanka ku duraya arrintaa. Gari laba nin kama wada qoslisee.

Haddii baarlamaanku ansixiyay, waxa aynu xisbiyadda ku nahay, ee xeerarka dalka ansixiyaa waa baarlamaanka. Sidaas darteed waa in loo hogaansamo wixii uu ansixiyo”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here