Badhasaabka Gabiley oo Ka Hadlay Xaalada Gobolka

0
1468

GABILEY , (HargeisaPress) —Badhsaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi Ayaa Ka Warbxiyey Xaalada Guud Ee Gobolka Gabiley ayaa isagoo ku sugan xafiiska gobalka gabiley ayaa waxa uu warbixin kooban siiyey Shabakadda caalamiga ah ee HargeisaPress isagooo ka waramay xaalada guud ahaan gobalka gabiley sida abaaaraha,nabadgalyada iyo arimaha bulshada.

 

Xaalada guud ee amaanka waxa uusheegay badhasaabka in xaalada guud ee amaanka gobalkuu uu aad iyo aad udegantahay isagooo badhasaabku sheegay in xaaladaha dhibataada ah ee tahriibku ay yihiin kuwo inta badan soo noq noqda maadama uu gobalku kuyaaalo,

 

xuduudka udhaxeeya ethopia iyo sSomaliland isagoo badhasaabku sheegay inay xaaladahani tahriibka uu aad iyo aad ugu badanyahay gobalka isaga oo sheegay badhasaabku inuu aad uga shaqeeyey isagoo kaashanaya hayadaha nabadgalyada oo inta badan dib uceliya tahriibayaasha oo ay gacantaku dhigaan saldhigyada nabadgalyada ee ka hawlgala guud ahaan gobalkani gabiley sidoo mar uu ka waramayey xaaladaha ee guud ahaan.

Badhsaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi
Badhsaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa uu badhasaabku sheegay in imika oo kale marka uuu roobku bilaabmo ay dadkii abaaruhu halaleen ubaahanyihiin in xooaha iyo beerahaba laga caawiyo maadama ay abaarihii baahsana ka dhamayeen xoolaha oo aanay xataaa haysan maanta wax ay beeraha ku qodaan hadaba iyadoo taasi jirto waxaan baaq udirayaa gudiga abaaraha heer qaran iyo hayadaha ku shaqada leh beeraha in dadkaa dhibaataysan laga caawiyo qodista beeraha iyo xoolaha.

 

sidoo kale waxa uu badhasaabku ka warbixyey  in gobalkani gabiley yahay gobal wax soo saar badan oo ay xoolo iyo dad ahaanba lagu tiirsanyahay beeraha hadaba badhasaabku wax fariiin baaq ah ugudbiyey beeralayda reer gabiley iney badiyaan waxsoo saaarka oo ay beeraha sanadkan qodaan iyagoo beeraya sida galleyda/iyo hadhuudhka madaama xooluha quutan oo aanay beeran xabxabka iyo bartiiqa  sidoo kale basasha ama baradhada isagoo sheegay in taasi dawo ka noqon doonta hadii abaaro yimadaan oo ay dadka beeralaydi haystaan kayd.

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here