Amaanka Magaalada Muqdisho oo Aad Loo Adkeeyay

0
590

Muqdisho (Hargeisapress)- Iyadoo lagu wado in maalinta berri ah magaalada Muqdisho laga soo dajiyo meydka guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdirxamaan Cumar Cismaan Yariisoow ayuu taliska Booliiska Soomaaliya sheegay in la adkeyn doono Amniga magaalada Muqdisho.

Generaal Maxamed Xuseen Madaale oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee taliska Booliiska Soomaaliya  ayaa sheegay in Aaska marxuumka  iyo maalmaha baroor diiqda intaba la adkeyn doono guud ahaanba Amniga magaalada Muqdisho, heegan buuxana la galin doono dhamaanba hay’addaha kala duwan ee nabad-galyada.

Generaal Madaale ayaa sheegay in aas qaran loo sameynayo guddoomiyihii gobolka isla markaana inta lagu guda jira maalmaha baroor diiqda in la adkeynayo amniga dalka gaar ahaana kan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Guddiga qaban-qaabada Aaska Duqii hore ee Muqdisho ayaa sheegay in maalinta berri ah laga keeni doono meydka magaalada Doha ee dalka Qatar oo uu ku geeriyooday Khamiistii shalay.

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here