Afar Ruux oo Mid Haween Aheyd oo Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

0
612

Muqdisho (Hargeissa Press)- Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa degmada Howlwadaag  gaar ahaa suuqa weyn ee Bakaaraha ku toogtay Afar Ruux oo mid Haween aheyd, kuwaasoo la sheegay in ay qorsheynayeen isku day dil lala beegsan rabay Mas’uul dowladeed.

Taliye ku xigeenka Booliska ahna Afhayeenka Laamaha Amniga Jen. Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in afartan ruux ay toogteen Ciidamada Amniga ay isugu jireen 3 rag iyo hal haweeney.“Ciidamada Booliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka  hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney ah oo hubka u  siday”ayay tidhi Jen. Zakiya.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka weli si rasmi ah uma sii faah faahin falkan, hasse ahaatee waxaa ay sheegtay in ay Ciidamada Booliska degmada Howl-Wadaag ka hortageen falkaasi la doonayay in lagu dilo Agaasimaha.

HargeisaPress News Desk – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here