Abwaan Cali Sugule “Dun-carbeed” Oo Maanta ku geeryooday magaalada Dubai

0
1206

DUBAI, (HargeisaPress) — Safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday in marxuum Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed) ku geeryooday magaalada Dubai, isla markaana ku dedaalayaan in meydka marxuumka maalinta Arbacada la keeno hargeysa, si loogu aaso.

 

Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo ka dhamaan hawl-wadeenada safaarada Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta uu tacsi u dirayo dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo ummada Somaliland iyo guud ahaan bulshada ku hadasha af-soomaaliga geerida ku timi marxuum abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed”.

 

 

Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay inay bilaabeen qorshahii meydka marxuum Cali Sugule la keeni doono dalka maalinta Arbacada, waxaanu yidhi,

 

“Inaa-lilaahi wa Inaa ilayhi raajicuun, waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan ummada Somaliland, ehelkii, iyo qaraabdii uu kabaxay marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed” oo mar dhoweyd ku geeryooday magaalada Dubai.”

 

“waxaan qorshaynayaa inaan maalinta Arbacada, meydka marxuumka la keeno magaalada Hargeysa, si loogu aaso. Annigoo ku hadlaya magaca safaarada Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta iyo dhamaan hawl-wadeenada waxaan tacsi u dirayaa ehelkii iyo qaraabadii geerida ku timi marxuum Abwaan Cali Sugule “Dun-carbeed).

 

Madaxweynaha JSL Md. Axmed maxamed Siilanyo ayaa horaantii bishii Oktoobar ee sannadkii hore ku booqday cusbitaalka uu ku jiray marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Dun-carbeed), amarna ku bixiyey in la bixiyo kharashaadka ku baxaya daaweyntiisa iyo cusbitaalka.

 

Inaa lilaahi wa Inaa ilayhi raajicuun.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here