Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Isku Shaandhayn Xoogle Ku Sameeyo Golihiisa Wasiirada

0
936

HARGEISA, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu isku shaandhayn, magacaabid iyo xil ka qaadis ku sameeyo qaybo ka mid ah golihiisa wasiirada.

 

Wararkan oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyay la saadaalinayay ayaa waxa kale oo cadadkiisii Jimcihii wax ka qoray wargeyska Indian ocean ee ka soo baxa dalka Faransiiska. Wargeyska ayaa sheegay in xogo uu helay ay muujinayaan in Madaxweyne Siilaanyo samayn doono isku shaandhayn saamaysa wasiiro culus oo aan laga filayn. Laakiin wargeysku ma bixin wax faahfaahin ah.

 

Hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu xil ka qaadis ku samayno doono qaar ka mid ah wasiiradii mudada dheer la soo shaqeeyay iyo kuwo uu magacaabay sannadkii 2015. Wararkan oo aan weli la xaqiijin ayaa tilmaamaya in wasiirada ay doorkan seefta Madaxweyne Siilaanyo sahayan doontaa u badan doonaan kuwa ka soo jeeda gobalada Awdal iyo Maroodi-jeex. Warar aan sidoo kale la xaqiijin ayaa iyaguna sheegaya suurtogalnimada in siyaasiyiin mucaaradka ka tirsani ka dhex muuqan doonaan isku shaandhaynta Madaxweynaha, kuwaas oo la sheegay inay xukuumadu la bilowday wada hadal muddooyinkii u dambeeyay.

 

Haddaba isku shaandhaynta, waxa ay wararku iftiiminayaan in la isku bedeli doono wasiirada qaarkood, iyadoo la dalacsiin doono xubno ka mid ah wasiir xigeenada oo noqon doona wasiiro, halka wasiirana la gayn doono hay’ado kale.

 

Sidoo kale wax ay dad badani Xukuumada ku dhaleeceeyaan in taladda dalka ay isku koobeen Xubno Xilal ka haya Dawladda, kuwaasi oo ka soo wada jeeda hal Qoys, halka Xukuumadihii horre ee dalka soo maray ay wax ka waydiin jireen Arimaha Xasaasiga marka laga wadda hadalyo, waxa laga waydiin jirey Wasiiro kala Gadisan kuwaasi oo ka soo kala jeeday Goboladda kala Duwan ee Dalka.Tana waxa ay ka mid tahay Waxyaabaha Dhakaafaariyay Shacabka Somaliland.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

fikirkaaga

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here