Abaan-duulaha Koowaad Ee Ciidanka Qaranka Oo Lagu Soo Dhaweeyay Adhi-cadeeye

0
1369

Laascaanood (Hargeisa Press): Badhasaabka gobolka Sool ayaa maanta deegaanka Adhi-cadeeye ku soo dhaweeyay abaan-duulaha koowaad ee ciidanka qaranka Somaliland C/rasaaq Af-guduud.

Soo dhawayntaasi waxaa badhasaabka ku wehelinayay taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland ee aagga goboladda bariga iyo saraakiil kale.


Ujeedadda socdaalka abaan-duulaha koowaad ee ciidamadda qaranka ayaa la xidhiidha sidii uu qayb uga noqon lahaa hawlaha nabadaynta ee beelaha deegaanka Adhi-cadeeye.

Nabadayntaasi oo ay qayb ka yihiin ciidamadda qaranka Somaliland oo ku kala dhex jira beelaha hore dirirtu u dhaxmartay.

 

Daawo: Soo Dhawayntaasi:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here