Xisbiga KULMIYE Xafiisyo Cusub Ka Furtay Degmooyinka Gacan-libaax Iyo Axmed Macallin Haaruun Ee Bariga Hargeysa + SAWIRRO

0
1884

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa xafiisyo cusub oo xisbigu yeelan doono ka ka furtay degmooyinka Gacan-libaax iyo Axmed Macallin Haaruun ee bariga magaalada Hargeysa.

Xafiisyada cusub ee xisbigu ku yaalan doono degmooyinka Gacan-libaax iyo Axmed Macallin Haaruun, ayaa waxa daah-furay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo isagu xadhigga ka jaray xarun guud ee laga hagi doono dhammaanba xafiisyada uu xisbiga KULMIYE ku yeelan doono degmooyinka Sabo-wanaag, Cadaadley, Dacar-budhuq iyo goobo kale oo Bariga Hargeysa ku yaalla oo ay xaafadaha Halleeya iyo Burcada yari kamid yihiin.

Ugu horrayn munaasibad kooban oo Xadhigga lagaga jaray xarunta guud ee xisbigu ku yeelan doono Bariga Hargeysa, ayaa maanta lagu qabtay xarunta gudaheeda, waxana ka qayb-galay guddoomiyaha xibsiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Dheere, madaxda heer gobol ee xisbiga, garabka Haweenka, maamulka xisbiga ee degmooyinka Gacan-libaax iyo Axmed Macalin Haaruun, xildhibaanno, salaadiin, cuqaal, haween iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayey tallaabooyinka uu xisbigu ku dardargelinayo u diyaar garowgiisa dhinaca doorashooyinka dalka kusoo foolka leh.

Ugu horrayn guddoomiyaha degmada Gacan-libaax ee xisbiga KULMIYE Axmed Yoonis Juxa oo halkaas ka hadlay, ayaa hoggaanka sare ee xisbiga ku hambalyeeyey sida ay ugu hagarbaxsan yihiin hawlaha xisbiga, gaar ahaan muhiimadda ay siinayaan deegaannada Bariga caasimadda, waxana bulshada halkaas ku dhaqan ku dhiirrigeliyey inay si mug leh oo midho dhal leh arrimaha xisbiga ugu hagaan xarunta cusub ee loo daah-furay.

Ibraahim Cabdi Cali oo isagu ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee degmada Axmed Macallin Haaruun, Md. Cabdikariin Yuusuf Obolos oo magaca dhallinyarada ku hadlay, Ruqiya Xasan, Abwaan Cabdi Axmed iyo Cali Xuseen oo isagu ah sarkaal ka tirsan xisbiga KULMIYE oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si farxad leh usoo dhaweeyey xarunta guud ee laga maamuli doono arrimaha bariga ee xisbiga KULMIYE, waxana ay caddeeyeen inay isku dubba-ridka hawlaha xisbiga iyo dardargelinta dhammaanba tallooyinka loogu diyaar garoobayo doorashooyinka qayb libaax leh ka qaadan doonaan.

Wasiirkii hore ee wasaaradaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo weliba Kalluumaysiga Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire oo isaguna si kooban madasha hadallo uga jeediyey, ayaa dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Gacan-libaax iyo Axmed Macallin Haaruun kula dardaarmay inay muujiyaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE, islamarkaana si mug leh ugu diyaar garoobaan qaadashada kaadhadhka codbixinta oo la filayo bisha Barkaysan ee Ramadaan wixii ka dambeeya inay gobolka Maroodi-jeex ka bilaabanto.

 

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ayaa isaguna dardaaran u jeediyey shacabka deegaannada Bariga caasimadda ku dhaqan, waxana uu ku adkeeyey inay xarunta loo furay tahay mid iyaga loogu talo galay, isla markaana ay si furan arrimaha xisbiga ugu gorfeyn doonaan shacabka halkaas ku dhaqani.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere oo isaguna madasha kelmado kooban ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay dadweynaha guud ahaan ku dhaqan deegaannada Bariga Hargeysa ee sida gaarka ah u taageera xisbiga KULMIYE, waxana uu ugu baaqay inay xafiisyada loo furay uga faa’iideeyaan dardargelinta iyo isku xidhka taageerayaasha xisbiga.

Guddoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa taageerayaasha xisbiga ee madasha kusoo dhaweeyey si weyn ugu mahadnaqay, waxana uu tilmaamay inay muhiimad gaar ah iska saaraan sidii xafiiskan iyo kuwa kale ee maamul ahaan hoos iman doonaba unonqon lahaayeen goobo ay taageerayaasha xisbigu ku kulmaan, isla markaana ku hirgeliyaan qorsheyaasha xisbigu leeyahay ee arrimaha doorashooyinka iyo barnaamijka xisbiga ku saabsan.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada u sharraxay ahdaafta iyo mabaad’iida guud ee xisbiga KULMIYE leeyahay, kuwaas oo ay taageerayaashu ka midaysan yihiin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu leeyahay tiirar iyo mabaad’ii heshiis lagu wada yahay, dadkuna markay ay xisbiga gelayaan waxa ay ku heshiiyaan mabaad’ii, waxana kamid ah in lagu wada dhaqmo diinteena islaamka, tiirka labaad ee KULMIYE ku heshiiska yahayna waa qaranimada Somaliland, qaranimaduna waa laba-taabtaan oo hadal iyo gorgortan ma gasho, in laga midho dhaliyo oo adduunka ictiraaf looga helaana waa hiigsigeena labaad ee aynu heshiiska ku nahay.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray, “Sida aynu waxaas u gaadhaynaana waa is aaminaad, isku kalsooni, wax wada qabasho iyo hawl, dadkuna haddii aanay hawlgelin oo aanay muruq iyo maskax hawlgelinin meel ma gaadhayaan, waana wax kale oo aynu ku shuraakoobayno haddii aynu xisbiga KULMIYE nahay,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale waxa uu guddoomiye Muuse Biixi Cabdi muujiyey inuu xisbiga KULMIYE yahay ruug-caddaa siyaasadda ku gaamuray oo waayo aragnimo badan dheer axsaabta kale ee la tartamaysa, waxana uu yidhi,

“Madaxda xisbiyada kale weynu ixtiraamaynaa oo rag wada muddo-kar ah, laakiin waxa aynu ku loollamaynaa tabtii iyo waddadii dalku ku horumari lahaa annagaa hayna iyo idinkaa haya, waanu ka waayo aragsanahay oo 15-jir baanu nahay, mucaarid iyo muxaafidba waanu soo marnay, hawlo badan oo ka horreeyeyna waanu soo marnay, dhibaatooyinku aanu soo marnayna waanu ka baydhaynaa, laakiin ninka cusubi kuwii aanu soo marnay buu ku dhacayaa illayn waayo arag ma ahee.”

Intaas Kadib waxa uu guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere si rasmi ah xadhiga uga jaray xafiisyo cusub oo uu xisbigu ku yeelan doono xaafadaha Halleeya iyo weliba Burcada yar oo bariga Hargeysa ku taalla, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taageerayaasha xisbiga ee halkaas ku dhaqan oo uu hadallo dardaaran iyo dhiirrigelin ah u jeediyey.

Xafiisyada cusub ee uu xisbiga KULMIYE ka furanayo caasimadda Hargeysa iyo deegaannada hoos yimaadda, ayaa kamid ah tallaabooyinka uu xisbigu ku dardargelinayo hawlihiisa, isla markaana ugu diyaar garoobayo doorashooyinka madaxtinimo ee soo socda, waxana xafiisyadani noqon doonaan madal ay taageerayaasha xisbigu su furan ugu kulmaan, kana helaan istaraatiijiyadaha cusub ee xisbiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here