Xisbiga Kulmiye Laantiisa Sweden oo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Si Diiran Ugu Soo Dhoweeyey Dalka Sweden + SAWIRRO

0
2207
Safiir Baashe oo si diiran loogu soo dhaweeyay Stockholm

Stockholm,(HargeisaPress) — Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Sweden Fuad Kamil Cisse , Cabdikariim Warsame, Xogahaya Guud ee Kulmiye Sweden Mudane Ibrahim Ali Aden , Gudoomiye Abdirisaq Obsiye, mahamud abdilahi (ilkacase), Foosiya Gabax , Saynab Ismail gabas , Haweenka, Siyaasiyiinta,Aqoonyahanka iyo Safiirka Somaliland ee Sweden Zakaria Hassan Wacays oo balaadhan u soo dhaweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar.

 

Xisbiga Kulmiye Laantiisa dalka Sweden ayaa  Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar ku soo martiqaday dalka Sweden.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Sweden Fuad Kamil Cisse  ayaa masuulyiinta Iyo Madaxdii kale duwan ee Goobta joogay waxa ugu horayn Hadal dheer oo soo dhaweyn ah ka jeediyay Gudoomiyaha Kulmiye ee Sweden.

Gudoomiyeyaasha Garabyada Haweenka ee Sweden iyo Ku xigeenadooda ayaa iyaguna si isku mid ah usoo dhaweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar iyaga oo sheegay in Maalgashiga Dalka Imaaraadku kawado Somaliland ku tilmaamay inuu yahay saaxiib weyn oo Somaliland usoo kordhay, kuna bogaadiyay Safiirka Guusha.

Madaxda Xisbiga Kulmiye ee Sweden oo ku dheeraaday ahmiyadda uu maalgashigu Dalkeena u leeyahay.

Safiir Baashe Cawil ayaa uga mahad celiyay Madaxda Xisbiga Kulmiye ee Sweden iyo Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.

Safiirku Waxa uu ka markhaati kacay in Xisbiga Kulmiye laantiisa Sweden ku dhaqani in ay yihiin kuwo ay ku dheer tahay wadaniyada iyo dal jacaylka Somaliland.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here