Xildhibaan Bashiir Tukaale Iyo Xildhibaan Askar Oo Ka Hadlay Sicir Bararka Dalka Ka Jira

0
1425
Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan

Hargeysa,(HargeisaPress) —Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa xaaladda dhaqaale iyo sicir barar ee wadanka ka taagan.

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn Xildhibaan Cabdiqaadir Askar oo ka hadlay sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararku iskama yimaado, ee sababo ayaa keena, waxaana xaqiiqo ah in Xukuumaddu hore sabab u ahayd in sicir bararku heerkan uu maanta marayo gaadho, si wax looga qabtana waxay ahayd in Xukuumaddani wada tashi la sameeyso dadka aqoonta u leh dhaqaalaha, balse may ahayn inay iska gaadho go’aan aanay ka firisan, siday hadda wax u socdaana runtii maba ah si lagu xalin karo sicir bararka inuu ka sii daro mooye, sida ugu haboon ee wax lagaga qaban karaana waa in Baanka Dhexe hawshiisa iyo waajibaadkiisa u madax banaanado”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Askar mar uu ka hadlaayey Miisaaniyadda ayaa yidhi “Miisaaniyada, waxay Xukuumaddu ka soo dheegatay Miisaaniyadii hore, oo waxa badan kuma kala duwana, kolay layaabna ma leh, oo Xukuumaddani waxay ku soo beegantay wakhti kala guura, imikana bishii afraad baa lagu jiraa, sidaas oo ay tahay kula yaabi mayno, madaama uu wakhtigu is gurayo”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isna arimahan ka hadlay ayaa isagoo ka hadlay Sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararku muddo ayuu soo jiitamaayey, maantana waxa xaqiiqo ah in qiimihii lacagteenu hoos u dhac balaadhani ku yimid, sidaas oo ay tahay waxay ahayd inay Xukuumaddu si fiican u daristo sababaha keenay sicir bararka iyo sida lagu xalin karo, laakiin Xukuumaddu go’aan deg deg ah oo aanay ka fiirsan si fiicana u daraasayan ayey ka soo saartay sicir bararka, haddana waxa la gudboon talaabo kasta oo wax lagaga qaban karo inay ku dhaqaaqdo”.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY