Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka (International World Youth Day 2016): Caqabadaha Dhalinyaradeena Haysta ee Mudan in la is Xasuusiyo Marwalba:

0
1103

Waxaa loo dabaal degayaa Maalinta Dhalinyarada aduunka:  Hadaba Arinta Muhiim Ka ahi Waxaa Weeye Maxaa Mushaakilaad Haysta Dhalinyarada ee Ubaahan In La Dul Istaago, Xaalad Nooceya Ayay Dhalinyaradu kusuganyihiin? Arimaha Dhalinyarada Haysta een Xusi karo Sanadkan una baahan in laga hawl galo waxaa Kamida  qodobada aan hoos kusoo qaadan doono:

 

Affeef: Maqaalkaygan aan Qalinka Uqaatay ee kooban ujeedadiisu maaha inaan wax ku dhaliilo, anuu mucaarid, maadaama oo aan mudo ku dhaw 10 hada kusoo dhexjiray horumarinta bulshada Gaar ahaan dhalinyarada, caruurta iyo haweenka waxaan jeclaystay inaan talo kudarsado arimaha horumarinta dhalinyarada somailand iyo mushaakiladka haysta lana wadaago cidkastoo arimaha dhalinyarada ku hawlan oo ay kamid yihiin, dawladdaha hoose , dawladda dhexe, Baarlamaanka, Shirkada Gaarka loo leeyahay, Ururada Bulshada, Hayadaha Caalamigaa iyo Kuwa Qaramada Midoobay, iyo Qurbe Joogtuba ay kafaaiidaystaan.

 

1: Shaqo La’aanta oo siibaahaysa .  iyadoo aad moodo inaan wali sicad Qorshe Qaran looga yeelan Dhalinyarada iyo sidii Fursado Shaqo loogu abuuri lahaa’ Waxii aan la awoodin waa halkeeda lakiin in isku day yimaado oo qaranku mucaarid iyo muxaafid iyo aqoonyahanoba muhiimada shaqo abuurista dhalinyarada talo ka yeesho qorshayaasha horumarineed ee wadankana lagu daraa waa arin aad loogu bahanyahay walina aan dhicin.

 

2: Sportiga ama Ciyaaraha;  Goobihii lagu ciyaari lahaa ciyaaraha kala duwan sida Garoomada kubada cagta, Pasketka, ororadada, iyo goobiha Recreational Center ah ee dhalilnyaradu ku Ciyaaraan oo aad ugu yar guud ahaan wadanka, intaa waxaa sii raacda Tartamada Ciyaaraha oo aad u gabaabsi ah ama aan dhalinta looqaban’ iyadoo arimahaasi ay kuyimaadeen qorshe xumo jirta oo haayadaha dawliga ah ee kushaqadalihi aanay xilwayn iska saarin, taasina waxay keentay in dhalinyaradu magaaloyinka waawayn kasameeyaan rabshado laxidhiidha kufsigyada, xatooyo, iyo dagaalo iyaga dhexdooda ka dhaca oo ay koox kooxo iyo xaafad xaafad isu layaan’ arintaasi xaga Security ga ama nabadgelyada ayay saamayn ku yeelata waqtiyada qaarkood

 

3: Tahriibka: Tahriibtu sanadkan dhamaday wuxuu ahaa arin aad usiibatay lagana dareemay goloblada dalka qaarkood, arintaasi iyana wali si cad laiskagama iman, waamaxay sababaha keena tahriibka? waa noocma dhalinyarada Tahriibtaa? sidee xal qaran oo Wax lagaga qabto loo Samayn karaa?, waxaa xusid mudan in madaxwaynuhu Gudi usaaray xili dadbadani ku dhinteen tahriibka , ilaa hada se gudidaasi dadka waxba kumaysoo celin meel ay hawlihii dhigeena lama hayo. Arinta tahriibku maaha sidaan qabo arin dawlada ku kaliya , waxaa loobahanyahay in dawlad , waalidinta, aqoonyahanka iyo dhaman ciday khusaysaaba ka doodaan, qorsheyaalna lagasoosaaro siloo ogaado halka boogtu taalo, maadama arimaha tahtiibka sababaa ay badanyihiin, waxyabaha laga qabankaro waxaan qabaa inay kamid tahay, shaqo abuur intii la awoodo in lasameyo, tayada waxbarashada in la xoojiyo, iskuuladii xirafada kaladuwan gacanta iyo makaanikalka ahaa oo la abuuro, garoomo iyo goobo lagu ciyaaro oo badan oo loosameeyo dhalinyarada, tartamo ciyaareed oo kala duwan oo looqabto dhalinyarada, iskoolarship yo dibadeed oo loo raadiyo dhalinyarada rabta inay sii wataan waxbarashadooda , ka qaybgalka dhalinyarada ee dhanka maamulada, xisbiyada oo la kordhiyo lana xoojiyo.

 

4: Paportka Socdaalka Wadamada dibada: Ardayda doonaysa inay dibadaha waxkasoo bartaan waxaa ka horyimaada mushkilado la xidhiidha Pastport ka.  taa macnaheedu waa xagii pasportka somaliland oo aan wadamo badani ogolayn oo loobahanyahay in dawladu wadama jaarka iyo kuwa kalaba ka hawl gasho sidii ay u ogolaan lahaayeen pasportka somaliland , hadii taasi aanay suro gal ahayn waxaa waajiba in loofududeeyo pasoprka somalia oo aan aminsanahay inuu ka mid yahay hantida wali inaga dhaxaysa ee aytahay inaan siyaasad la gelin si aanay ugu dhibtoon dadka jilicda san ee caafimadka iyo waxbarashada u isticmaalayaa.

 

5: Xagjirnimada: Arintani waa arin cusub oo ubaahan in la eego , xagan somailand kuma badna lakiin dhalinyarada qurbaha ka yimaada saamaysa marmarka qaarkood, dhaibaatoyinka aynu kordkusoo dheegnay ee shaqola’aanta , tahriibka, dhanka ciyaaraha iwl haday sii socdaan waxay fursad siinkaraan dadka arimaha xagirkaa ka shaqeeyaa inay fursad halkaa ka helaan oo ubadkaa aan la mushquulin ay duufsadaan.

 

 Talo Soojeedin: Maqaalkaygan aan Qalinka Uqaatay ujeedadiisu maaha inaan wax ku dhaliilo, anuu mucaarid ma ihi shaqsi muwaadina oo raba inuu talo kudarso arimaha horumarinta dhalinyarada somailand Ayaan ahay waxaanan ugu talo galay in cidkastoo arimaha dhalinyarada ku hawlan oo ay kamid yihiin, dawlada hoose , dawlada dhexe, baarlamaanka, shirkada gaarka loo leeyahay, ururada bulshada, hayadaha caalamigaa iyo kuwa qaramada midoobay, iyo qurbe joogtuba ay kafaaiidaystaan.

 

Arimahaa aan taabtay iyo mushkilado kale oo badan ayaa ubaahan in ladul istaago waxna laga qabto hadii larabo in la horumariyo dhalinyarada iyadoo aan siyaasad laga eegayn ee si daacadnimo ah loo galayao , dhalainyaradu waa cududa ugu wayn ee dalkani leeyahay lana rabo in xoogbadan iyo dadaal badan la geliyo ,qorshayaasha horumarineed ee wadankana ay xaga hore kag ajiraan marwalba.

 

Hadaba si waxlooga qabto arimaha aan soo xusnay guud ahaan waxaan isleyahay waxaalobahanyahay

  1. In la xoojiyo tayada Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Dhaqaalaha ay ku fuliyaan hawlaha ay dalka u hayaana kor looqaado
  2. In Wasaarada waxbarashadu ay qorshaha ku darsato hirgalinta iskuulada lagu abrto xirfadaha kala duwan ee Gacanta(Vacationan Centers) iyo kuwa makaaniga (mechanical)
  3. In la qabto shir Qaran oo lagu dejinayo Qorshaha Horumarinta Dhalinyarada Somailand Laqabto oo ay hormood ka noqoto Xumukamada talada dalka haysaa, iyadoo la kaashanaysa,shirkadaha gaarka loo leyahay, Aqoonyahanka, xibiyada qaranka, ururada bulshada iyo hayadaha calimgia kuwa qaramada midoobay, Ururada sigaara Uga shaqeeya arimaha Dhalinyarada ee Gobolada ka jira, iyadoo la joogtaynayo shirirka noocasa si loogu kala warqaato kolba halka aymarayaan hawlaha horumarinta ee dhalinyaradu
  4. In madaxwaynuhu magacaabo gudi heer qarana oo aan lagu koobin madaxda wasaradaha gudidaana lagu dabagalo hawlaha horumarinta dhalinyarada,ladagaalanka tahriibka, shaqo abuurida dhalinyaradaba.

 

 

By Yusuf Hassan, Hargeisa, Somaliland

Email: gudgude01@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here