Ciidamada Booliska Somaliland Oo Caawa Hor-Istaagay Qabsoomida Bandhig Faneed Ay Qaban lahayd Fanaanada Nasteexo Indho + Sababta

0
828

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in caawa ay hor istaageen ciidamada booliska Somaliland iyo gudida hay’adda wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland qabsoomida bandhig faneed ay caawa hotel Crown ku qaban lahayd fanaanada Nasteexo Indho.

 

Waxaana bandhig faneedkan oo caawa loo balansanaa mar kaliya la arkay ciidamo tiro badan oo la wareegay hotelka ,waxana ay gudidu masuuliyiinta hotelka ku amreen inaan wax bandhig faneed ah lagu qaban Karin hotelka.

 

Amarkan lagu joojiyay bandhig faneedkan ayaa waxa sida ilo xog ogaal ahi noo sheegeen bixiyay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, waxana uu sheegay in bandhig faneedkani yahay mid dhaqan xumo u horseedi kara dhalinyarada Somaliland,iyada oo dhawaana fanaanadan si sidan la mida loog hor joogsaday bandhig faneed ay ku lahayd magaalada garoowe ee maamulka Puntland.

 

Gabagabadiina waxa sida naloo sheegay sidaasi ay ciidamadu ku baajiyeen bandhigaasi,wali waxa socda baadhitaano la xidhiidha sababta ay ciidamadu u horjoogsadeen bandhigani.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here